SAWIRRO: Imaaraadka Carabta oo Kacdoon lagu Aflagaadeynaayo M.Farmaajo ka Bilaabay Baraha Bulshada

0

Baraha bulshada gaar ahaan barta twitterka waxaa ka bilowday kacdoon ay dabada ka riixeyso Imaaraadka carabta kaasi oo lagu ihaaneysanaayo madaxda qaranka soomalia gaar ahaan madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda soomalia waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskii dekedda berbera waxaa imaaraadka uu bilaabay dagaal qaawan oo ka dhan ah madax banaanida iyo midnimada soomalia.

Dadyoow carbeed oo sida muuqata u adeegaya Imaaraadka carabta ayaa barta twitterka ka bilaabay qoraallo is daba joog ah oo madaxweyne farmaajo loogu sheegaayo in uu ka adkaado danaha shacabkiisa oo uu faraha kala baxo waxyaabaha kale oo sida muuqata ay ula jeedaan arrinta imaaraadka ee dekedda berbera iyo kala goynta dalweynaha soomaaliyeed.

Dagaalkan oo intiisa badan ka socda Twitter-ka ayaa koox askar dhinaca internetka ah oo la sheegay in Imaaraadka uu kireystay ay bilaabeen inay furaan baro lagu aflagaadeeyo madxaweynaha Soomaaliya.

Barahan ayaa abuuray halku-dhigyo ama Hashtag ay ka mid yihiin in la rido madaxweyne Farmaajo, inuu Soomaaliya u yeelay weji xun oo macaluul ah inuu la safan yahay Dalka Qatar iyadoo la adeegsanayo sawirro muujinaya Soomaali macaluulsan oo lagu sheegay inuu madaxweynuhu dayacay dalkiisa.

Sawirro muujinaya macluul iyo dad gaajeysan ayaa loo isticmaalaya qoraallo ka dhan ah madaxda dalka soomalia oo ay adeegsanaya dadka howshaan wada waxaana muuqata in tani ay tahay handadaad cad oo imaaraadka uu ku doonaayo in uu ku aamusiiyo madaxda qaranka soomalia oo uu ugu horeeyo madaxweyne farmaajo.

Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Haddii madaxda dalka ay sidaan uga sii aamusnaadaan falalka gurracan ee imaaraadka uu ku bur burinaayo qarannimada soomaalia iyo kala qeybinta jamhuuriyadda soomalia waxa ay keeni doontaa in Imaaraadka uu si cad markale u baneysto ku xad-gudubka madax banaanida soomalia isagoo danahiisa gaarka ah fiirsanaayo.