SAWIRRO: Ilaa seddex Qarax oo Lagu weeraray Hotelka Saxafi iyo Nawaaxigeeda

0

Ilaa 3 Qarax oo loo adeegsaday gawaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyau ayaa waxa ay galabta ka dhaceen Inta u dhaxeysa Hoteel Saxafi iyo Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in gaarigii siday uu ku dhuftay Darbiga Hotel Saxafi

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.

Qaraxa seddexaad ayaa isna waxa uu ka dhacay wada yar oo Hotel Saxafi dhabarkiisa dhabarkiisa ah.

Qaraxyada oo xoogooda aad looga maqlay xaafado ka fog fog halka ay ka dhaceen ayaa waxaa ka dhashay qasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inta la Xaqiijiyay Dad ka badan 17 Ruux ayaa ku geeriyootay Qaraxyada Dhaawacana Intaa ayuu ka badanyahay.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada waxaana ay sheegeen in Ragg dagaalamayaashooda ka tirsan oo hubeysan ay gudaha u galeen hotelka Saxafi.

Alshabaab waxa ay sheegteen in Qarax labaad ay la eegteen Dad hotelka ka soo cararay oo iridda dambe oo Hotelka in ay ka baxsadaan doonaayay.

Laamaha ammaanka dowladdu weli kama aysan hadlin qaraxyadaan Galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho.