Sawirro: Ilaa 5 musharax oo si rasmi ah loo guddoonsiiyay shahaadooyinkooda doorashada guddoonka baarlamaanka

0

Ilaa iyo hadda shan musharax ayaa is diiwaan galisay kuwaasi oo buuxiyay sharuudihii guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamanaka ay hor dhigeen musharixiinta u tartameysa kursiga guddoonka baarlamanaka.

Musharixiinta is diiwaan galiyay waxaa kamid ah wasiiro xukuumadda ka tirsan oo xilalkoodi iska soo casilay markii shardi looga dhigay in ay iska casilaan xilka ka hor inta aan araajidooda la aqbalin.

Xubnaha is diiwaan galiyay waxaa ay kala yihiin:-

1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

2- Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed,

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen),

4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5- Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Waxaa la filayaa in musharaxiin kale inay berri gudbin doonaan codsigooda iyadoo la qorsheeyay in 30ka bishan April oo ku beegan Isniinta soo socoto ay dhacdo doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka.