Somali News

Sawirro:-Hub Sharci darro ah oo lagu qabtay magaalada Boosaaso

Ciidamada Boliiska Gobalka Barri Ayaa Howlgal Xoogan oo ay xalay Ka Sameeyeen gudaha Magaalada Boosaaso Ayay waxay Ku soo qabteen hub sharcidaro ah Iyo dadkii watay, howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayay taliyaha qeybta booliiska gobalka Barri iyo taliyaha ciidanka Birmadka iyo Saraakiil Kale.

Howlgalkaan Oo laga sameeyay bartamaha magalada Boosaaso ayay ciiidamada Booliiska waxay gadiidka ka fiiqayeen bacaha madow oo isticmaalkooda uu Puntland mamnuuc kayahay sidoo kale Ciidamadan inta ay howlgalkaan ku jireen Waxaa usuuro gashay in ay gacanta ku dhigaan gadiid ay Booliiska Ku raadjoogeen.

Taliyaha qeybta boliiska gobalka Barri G/S Xuseen Cali Maxamuud ayaa Sidoo Kale kormeeray saldhigyada Ciidamada Booliiska si loo hubiyo shaqooyinka ka socda xarumaha taliska Isagoona ladardaarmay ciidamada booliiska gobalka Barri meelwalba ay Joogaan.

Related posts

MUUQAAL: Daawo Sidii Ay Shalay u Dhacdey Dhaarintii Golaha Wasiiradda Iyo Labadda Madaxweyne Ku Xigeen Ee Jubbaland

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo ka Hadlay sida ay u Xaqiijiyeen Ammaanka Muqdisho Mudadii lagu…..

Tifaftiraha K24

Sweden: Caruur Soomaaliyeed Oo Sweden Ku Dhimatay Kadib Bambo Gacmeed Daaqadda Gurigood Looga Soo Tuuray (Video)

admin