Sawirro: Hey’adda Socdaalka oo Beenisay in ay joojisay Bixinta Baasaborka ee Magaalada Garoowe

0

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda waxay magaalada Garowe ka hirgelisey dhismaha xarun weyn oo loo diyaariyey in loogu adeego bulshada Soomaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanada Puntland.

Hay’addu waxay horay u daganeyd guri gaar loo leeyahey oo kiro ahaa waxaana dadweynaha isbuucii hore loo sheegay in muddo 3 beri ah shaqada la hakinayo si loogu guuro xarunta ay Hay’addu dhisatay.

Hay’addu waxay mar kale ku wargalineysaa bulshada ku xiran adeegga xaruuntaan in ay adeegga bixinta baasaboorku dib uga bilaaban doonto xaruunta cusub maalinta beri ah oo ay tariikhdu tahay 13/03/2018,

Dhinaca kale Hay’addu waxay cadeyneysaa in aysan matalin isla markaana wax masuuliyad ah u haynin dad shaley sheegtey magaca hay’adda.