Somali News

Sawirro: Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo xafiis ka furatay magaalada jowhar

Madaxweyne ku xigeynka Hirshabelle iyo Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarunta Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Laanta Hirshabelle.

Munaasabada xariga looga jarayay xarunta ayaa waxaa ka soo qeybgalay gudoomiye ku xigeynka barlamaanka Hirshabelle, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeyna Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa munaasabada ka sheegay in ay ku faraxsan yihiin in xarun laga furo Jowhar, sido kalena Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay ugu deeqeen dhul weyn si looga dhiso xarun ay leedahay HSJ.

Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa dhankiisa ka gudoomay madaxda Hirshabelle dhulka ay ugu deeqeen HSJ isla markaana balanqaday in laga dhisi doono dhawaan xarun weyn oo ay HSJ leedahay.

Related posts

Baardheere oo Howlgalkii Ugu Xooganaa ka Socda Iyadoo……

admin

Madaxweynaha Maamulka Somaliland mudane Muuse Biixi oo la kulmay gudiga doorashooyinka maamulkiisa

admin

Amisom oo ku jahwararsan Sharciga qaar ka mid ah Ciidamada Itobiya ay ku jogan Somalia.

admin