Somali News Top News Xulashada K24

SAWIRRO:- Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS oo xarun cusub ka dhagax dhigtay Ceelbarde.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta la wareegtay dhul ay ku wareejiyeen maamulka Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, kaasi oo loogu talagalay in laga dhiso xarunta Hey’addu ku yeelaneyso Ceelbarde.

Ku xigeenka Agaasimaha guud HSJ Cabdfitax Ibrahim Cumar Shaaweye ayaa ka gudoomay maamulka degmada Ceelbarde dhulka ay ku wareejiyeen Hey’adda isla markaana waxa uu agaasiamha isla maanta dhagax dhigay dhulka lagu wareejiyay si loo bilaabo dhismaha Xarunta Hey’adda ee Ceelbarde.

Safarka uu agaasime ku xigeynka ku gaaray Ceelbarde ayaa waxaa ku wehliyay agaasimaha Laanta Hey’addu ku leedahay Koofur Galbeed Cali dhuux, Agaasimaha Howlaha Xasan iyo taliyaha Hey’adda.

Hey’adda Socdaalka ayaa dhawaan ka furatay Xafiisyo kan la mid ah Magaalooyinka Qardho iyo Galdogob oo ka kala tirsan Gobolada Bari iyo Mudug, kuwaasi oo laga boxin doono howlaha adeega ee Hey;addasi, iyadoo kuwa kalena hore looga furay Gobolada Dalka, si Muwaadidiinta Soomaaliyeed loogu fududeeyo helidda Baasaboorka iyo kaararka Aqoonsiga.

 

Related posts

Top News: Galmudug oo hanjabaad tii ugu cusleyd u jeedisey,……………

admin

Maamulka Dagmada Balad Xaawo oo Gadiidleeyda Dagmada ku amray in ay isi soo diwaan galiyaan…

admin

War Cusub: Xoolihii Soomaliya laga dhoofin Jiray oo dhawaan Sacuudiga uu diiday oo la ogaaday in ay Ka Dambeysay Arintas Qof Dumar ah oo u dhalatay Wadanka….

Tifaftiraha K24