Sawirro: Haween ka shaqeeya Nadaafadda Gobolka Banaadir oo Sun Halis ah lagu buufiyay

0

Qaar kamid ah haweenka ka shaqeeya nadaafadda gobolka Banaadir ee loo yaqaan Milaa mileyda ayaa la sheegay in lagu sumeeyay dagmada C/casiis ee gobolka banaadir.

Haweenka lagu buufiyay sunta ayaa waxa ay ku guda jireen howlo nadaafaddeed oo ay ka qabanayeen qeybo kamid ah dagmada Cabdi casiis.

Gaari NOHA ah ayaa haweenka nadaafadda ku buufiyay wax loo maleynaayo in ay sun tahay waxaana durbadiiba cisbitaalka loola cararay 9 kamid ah haweenkii Nadaafadda ka shaqeynaayay.

Afar kamid ah 9-ka haween ee sunta lagu buufiyay ayaa laga deyrinaya xaaladdooda caafimaad waxaana la dhigay cisbitaalka digfeer ee magaalada muqdisho.

Maamulka dagmada C/casiis ayaa xaqiijiyay dhibaatada haweenka ku dhacday waxaana maamulka uu sheegay in ay wadaan baaritaan lagu ogaanaayo falka dhacay iyo cida ka dambeysay.

Dhacdadaan ayaa walaac xooggan ku abuurtay haweenka qutul yoomka ka dhacsada howlaha nadaafadda gobolka banaadir.