Sawirro: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabit Cabdi oo Kulan dhiiro galin ah la qaatay Xulka soomalia ee Galabta Wajahaya Tanzania

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa kulan qado dhiiro gelin ah la qaatay Ciyaartoyda xulka 17-jirada Soomaaliya, kuwaasoo galabta la ciyaarta Finalka la ciyaaraya xulka Tanzania.

Mr Taabit iyo madax kale ayaa u tagay dalka Burundi, sidii loo taageeri lahaa ciyaartoyda xulka 17-jirada.

Waxaa uu u rajeeyay ciyaartoyda Soomaaliya inay guul soo hoyaan, isla markaana ay Shacabka Soomaaliyeed u keenaan magac.

Ciyaartoyda xulka 17jirada Soomaaliya ayaa wacdaro ka dhigay tartanka ciyaaraha Bartamaha iyo Bariga Afrika, iyagoo xulal dhowr ah ka soo badiyay, sida Burundi, Uganda iyo Kenya.