Animation

Sawirro gaar ah : K24 oo booqatay Goobihii lagu dagaalay ee Magaalada Gaalkacyo Iyo Ciidamada Galmudug oo gacanta ku haya deegaanadaasi.

no responses
Saturday November 28, 2015 - 12:45 under Somali News by admin
mqdefault

Iyadoo Saaka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug uu ka dhacay Iska hor imaad u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali Magaalada waxaa laga Maqlayaa Rasaas Goog Goos ah oo ay isku ridayaan Labada Dhinac.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Galmudug ay la Wareegeen Xaafado ka mid ah Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland,waxaana ka mid ah Xaafadda Cagaar-weyne,Warshadii hore ee Galeeyda Magaalada Gaalkacyo iyo Kontoroolka Puntland ee dhaca Xadka Labada Maamul.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug ay halkaa ku sugan yihiin,waxaana Ciidanka kale ee Taabacsan Puntland ay u durkeen dhanka Suuqa weyn ee Gaalkacyo.
Khasaaraha Dhimasho iyo mida dhaawac ee ka dhashay Dagaalka ayaan wali la Ogeyn,waxaana sidoo kale jirta Madaafiic ay isku duur duurayaan Labada Dhinac.

image