Somali News

SAWIRRO: Gaadiid Gurmad U Sida Baladweyne Oo Maanta Laga Sagootiyay Gaalkacyo.

Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu sagootiyey Maanta 3 Gaari oo nooca Candhameydlaha loo yaqaan ah iyo Guddiga gargaarka deg-degga ee dhanka Caafimaadka oo ka kooban 5 xubnood, si ay ugu gurmadaan Dadka ay waxyeellada kasoo gaartay fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara Baladweyne.

Deeqdan oo noocyo kala duwan ah ayaa waxaa soo uruuriyay Shacabka Gobolka Mudug , waxaana sagootinteeda goob joog ka ahaa, Dhalinayaro, aqoonyanno, Culimaa’udiin, Saxafiyiin, Bulshada qeybaheeda kala duwan , maamulka Degmada Gaalkacyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo ku Xigeenkiisa .

Sidoo kale waxaa gurmadka loogu jiro u gargaaridda Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii ka dhacday Magaalada Baladweyne door weyn ka qaatay Shacabka ku dhaqan Gobollada Puntland iyo Galmudug.     

Related posts

Xog: Waqtiga uu furmi doono Shirka Nabadda Ree Jubaland oo la isku waafaqay, iyo Axmed Madoobe oo Balanqaaday Inuu Fidinaayo Gogol Nabadeed.

admin

War Deg Deg ah Tirinta Codadka oo uu Hor Boodaayo C/Kariin Xusseen Guulleed

admin

War Deg Deg Ah :- Akhri” Madaxwayne Siilanyo Oo Warqadii Dalabka Mudo Kordhinta Usoo Gudbiyey Golaha Guurtida + XOG Rasmiya Oo Ay Ka Heshay Kismaayo24.

admin