Sawirro: Eng yariisow oo xalay kulan sagootin ah u sameeyay Guddoomiyeyaasha Barlamaanada Maamul Goboledyada oo…

0

Casha sharaftaan ayaa waxa kasoo qeyb galay sii  hayaha  Guddoomiyaha Baarlamanka dalka ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Ra,isl wasaare ku Xigeenka Dalka, Xildhibaano, Wasiiro iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane  C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyeyaasha Barlamaanada sida ay u aqbaleen casuumaad uu u fidiyay maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxdii ka hadashay casha sharafta ayaa muujiyey in waajib ay tahay in si wadajir ah loogu adeego dalka iyo dadka, islamarkaana si gaar ah looga baahanyahay guddoonka Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka in si dhow ay u wada shaqeeyaan.