Sawirro: Dowladda Turkiga oo Somalia ka caawineysa dib u howlgalinta Shirkaddii Diyaaradda Somali Airlines

0

Dowladda aan walaalaha dhabta ah nahay ee turkiga una taagan garab istaagga dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ayaa waxa ay dowladda soomalia ka caawineysa in ay dib usoo ceshato diyaaraddii soomali Airline oo qeyb weyn ka ah jiritaanka qarannimada soomalia.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal ku jooga dalka Turkiga ayaa kulamo la qaatay madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta dalka Turkiga iyo Shirkadda diyaaradaha dalkaas ee Turkish Airlines, waxayna kawada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa shirkadii diyaaradaha Soomaaliya (Somali Airlines).

In dib loo howlgaliyo diyaaraddii soomali airline waxa ay ka dhigantahay in soomalia ay dib u yagleeshay dowladnimada iyo jiritaanka qaran caalamka uu aqoonsanyahya muddo ku dhaw 30 sano oo qalaalaso iyo dagaallo sokeeye uu dalka cagaha kula jiray.

Xukuumadda Nabad iyo Nolol ayaa dedaal xooggan ugu jirta in ay dib usoo celiso karaamadii soomalia laheyd iyadoona bulshada soomaaliyeed ay aad ugu farxeen in dib loo soo celiyo shirkaddii diyaaraddaha ee Somali Airlines.

Shirkaddii diyaaraddaha Somali Airlines waxaa la aas-aasay sanadkii 1964-tii waxaana ay sameyn jirtay duulimaad gudaha dalka iyo dibaddiisa ah balse waxa saameyn weyn ku yeeshay bur burkii dowladdii dhexe oo soomalia ay gashay marxaladd dagaal sokeeye ah.

Turkiga waa saaxiib iyo walaal dhab ah oo aan abaalkiisa aan la iloobi karin waxaana uu noo muujiyay garab istaag aan ka weynay dalalkii aan walaalaha aheyn ee carbeed oo intii aynu garab istaag ka sugeynay dabin daabyo iyo qalalaaso noo horseeday.