Sawirro: Dowladda Qadar oo Dowladda Federaalka ku wareejiyay Gaadiid Casri ah oo loogu tala galay in….

0

Dowladda Qadar oo saaxiib dhaw la ah dowladda Soomalia ayaa waxa ay Soomalia ugu deeqday gaadiid casri ah oo loogu tala galay adeegyada bulshada.

Gadiidkaan oo qeyb weyn ka qaadan doona adeegyada bulshada ayaa 17-kamid ah waxaa lagu wareejin doona maamullada dagmooyinka gobolka banaadir iyadoona qeybaha kale ee gaadiidkaan casriga lagu wareejin doono maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Wasiir ku xigeenka dekadaha, maareeyaha dekadda Muqdisho, guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan safaadaradda Qatar ee magaalada Muqdisho ayaa munaasabadda ka qeyb galay.

Dowladda qadar waxa ay tartan xooggan kula jirtaa dowladda Imaaraat-ka oo ay mandiqada isku hayan waxaana qadar ay dooneysa in ay xoojiso xiriirka ay soomalia la leedahay si Imaaraat-ka kula tartanto guud ahaan gobolka gaar ahaan Soomalia.