Sawirro: Dowladda Federaalka oo Ciidamo si gaar ah u tababaran u dirtay Baydhabo

0

Kh dhawaad 100 Askari oo Booliska sida gaarka ah u tababaran ayey Dowladda Federaalka Maanta geysay Magaalada Baydhabo si ay uga qeyb qaataan sugitaanka Amniga Baydhabo oo dhawaan ay doorasho Ka dhici doonto.

Ciidamadaan ayaa sugi doona goobta ay doorasho ka dhaceyso iyo nawaaxigeeda.

Dowladda Federaalka ayaa mas’uuliyad weyn iska saareysa sugitaanka amniga dalka oo dhan gaar ahaan maamulada ay doorashooyinka ka dhacayan.