Somali News

Sawirro:-Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Gaari Ku Romaday Duleedka Cadaado

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegaya in halkaasi Maanta uu ku rogmaday gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug.

Gaariga rogmaday oo ahaa nooca dagaalka ah,isla markaana ay la socdeen askar badan ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacay oo soo gaaray Askartaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in shilkaas uu hal Askari ku geeriyooday,halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalka guud ee Magaalada Cadaado.

Shilalka iyo Rogmashada gaadiidka ay saaran yihiin Askarta ayaa waxaa inta badan loo sababeyaa Darawalada wada gaadiidka,kuwaasi oo si xawaare ah u kaxeeya xiliyada ay marayaan Wadooyinka.

  

Related posts

DEG DEG: Kooxo hubeysan oo magaalada muqdisho ku dishay nabad-doon caan ah oo lagu magacaabi jiray…..

Tifaftiraha K24

Kooxda daacish oo shaacisay magaca iyo qabiilka uu ka dhashay ninkii isku qarxiyay boosaaso+sawirkiisa

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Wafdi heerkiisu sareeyo oo maanta kusoo wajahan magaalada muqdisho xili wadooyinka caasimadda loo xiran imaanshaha wafdigaan

Tifaftiraha K24