Somali News

Sawirro:-Dableey hubeysan oo rasaaseeyay shaqaale xaaqayay laamiga weyn ee Magaalada Gaalkacyo

Dableey hubeysan ayaa xalay rasaas ku furay shaqaale ka tirsan dowladda hoose degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xilli ay kugudo jireen nadiifinta laamiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Roob xoogan oo ka da’ay magaalada Gaalkacyo ayaa sababay in laamiga weyn ee gudaha magaalada ay qariso ciid xoogan taas oo saameyn xoogan ku yeelatay isu socodka gaadiidka halka shacabkana ay ku dhibaateysnaayeen boorka xoogan ee ka dhalanaya ciidaas.

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in raga hubeysan ee rasaaseeyay shaqaalaha dowlada hoose ay haayeen rag cabsan, waxaana mudooyinkii danbe magaalada Gaalkacyo aad ugu soo badanayay isticmaalka Khamriga iyo xashiiska mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada oo laxiriira rasaaseynta loo geystay shaqaalaha dowlada hoose.

Related posts

Top News: Dowladda Soomaaliya oo qaadacay shir ay Kenya uga wadda hadli lahayeen Qaxootiga Soomaaliyeed, sheegteyna…….

admin

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland uu Garbahaarey uga qeyb galay??? Warbixin Muuqaal ah ayaan idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24

“ Waxaan ku laabtey Caseeyntii Kabaha markii la Dumiyey Iskuulkeygii ” (Warbixin)

admin