Sawirro: Dab xooggan oo goordhaw ka kacay guri ku yaala dagmada Shibis ee Gobolka Banaadir

0

Dab xooggan ayaa waxa uu goordhaw ka kacay guri ku yaalla dagmada Shibis ee gobolka banaadir.

Dabka ayaa ku fiday guryo kale oo ku dhagan guriga uu marka hore dabka ka kacay.

Dadka xaafadda ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay koronto markii dambana uu ku fiday guriga oo dhan waxaana gurmadka dabka lagu baqtiinaayo ka qeyb qaadanaya gaadiidka dab damiska iyo dadka xaafadda

Dabka waxaa ka dhashay qasaaro hantiyadeed oo ah bur burka alaabtii guriga tiilay waxaana xusid mudan in waayadaan dambe muqdisho uu aad ugu soo batay dabka guryaha iyo goobaha ganacsi ka kaca