SAWIRRO:- Culimadda Gobolka Hiiraan Oo ku Baaqay joojinta Xiisad Ka Taagan Xadka Hiiraan Iyo Galgaduud

0

Kadib Kulan ay Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku yeesheen Cilimada Magaaladaas ayaa waxa ay ka soo saareen baaq ku aadan sidii loo joojin lahaa xiisada colaadeed ee ka taagan xadka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Culimad ayaa waxa ay aad uga haldeyn dagaalkii ka dhacay deegaanka Bukari oo Hoos Taga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,iyaga oo dalbaday in dagaalkaas la joojiyo,isla markaana xal laga gaaro wixii horay u dhacay.

“Laba Maleeshiyo beelood oo iskuheysta dhul halkaasi ku yaalla ayuu dagaalka u dhaxeeya waana mid soo noq noqday,waxan ka codsaneynaa waxgaradka iyo Odayaasha labada dhinac in ay ka qeyb qaataan qaboojinta dagaalkaas,isla markaana aan la barakicin dadka masaakiinta ah ee dushooda lagu dagaalamayo ayuu yiri mid ka mid ah culimada oo kulanka ka qeyb galayay”.

Ugu dambeyn waxa ay sidoo kale abaq u direyn Masuuliyiinta Maamulada hir-Shabeelle iyo Galmudug oo ay ka dalbadeen in ay kala dhexgalan labada maleeshiyo beelood ee uu dagaalka u dhaxeeyo.

Dhawaan Deegaano badan oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Galgaduud waxaa ka dhacay Dagaalo u dhaxeeyo Labo maleeshiyo beelled waxaana dagaalkii ugu danbeeyey uu ka dhacay deegaanka Bukari oo hoostaga degmada Maxaas.