Somali News

SAWIRRO: Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray dalka dibadiisa.

Waxaa dalka Jabuuti tababar mudo dhoor bilood ah socday loogu soo xiray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, waxaana munaasabada tababarka lagu soo xirayay ciidankan ka qeyb galay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya .

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa qaatay tababaro la xariira sugida amaanka iyo sidoo kale kahor taga rabshadaha, waxaana ciidankan munaasabada tababarka loogu soo xirayay kusoo bandhigeen dhoolo tusyo cajiib ah.

Munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidankan katirsan booliiska Doomaaliya waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo katirsan dalka Jabuuti , saraakiil ajaaniib ah iyo sidoo kale marti sharaf kale.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa la filayaa in lagu soo celiyo Soomaaliya si ay u gutaan waajibaadkooda ciidanimo, waxaana ciidankan qeyb ka noqon doonaan booliiska ka howlaga caasimada iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa ciidamada loogu tababaraa gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu soo tababaray ciidamo aad u badan.

      

Related posts

Kenya oo Xirtay goobaha Kaawada laga qodo Cabsi ay ka qabto Shabaab

admin

TOPNEWS :- RW Kuxigeenka Somalia oo si rasmi ah logu daray Madasha Qaranka Asago Mataali doona Somaliland iyo Wararki ugu danbeyay ee ..

admin

Dhageyso: Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaliya oo Indhaha Caalamka kusoo jeediyay Dowlada Xasan Shiikh oo ku Fashilantay Ammaanka

Tifaftiraha K24