SAWIRRO: Ciidamo cusub oo soo gaaray Soomaaliya & Magaalada la geeyay oo la Ogaaday

0

145 Sarkaal oo u dhashay dalka  Sierra Leone, kana mid ah hawgalka Amisom ayaa shalay soo gaaray Soomaaliya,waxaana loo wareejiyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Ciidankan oo Boolis ah waxaa ay ku biirayaan 15 Sarkaal oo u dhashay  Sierra Leone,kuwaas oo horay ugu sugnaa Kismaayo.

Arrintan waxa ay ka dambeysay kaddib markii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen qaraar lagu doonayo in lagu de dejiyo qorshaha Militariga Amisom looga saarayo dalka islamarkaana loogu beddelaayo Boolis Ciidanka Soomaaliya ka caawiya ammaanka dalka.

Ciidankan waxa ay Booliska Jubbaland kala shaqeyn doonaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta dalka,waxaana ay la hawlgalayaan Booliska Maamulka Jubbaland.

Christine Alalo, oo ah ku simaha Taliyaha Booliska Amisom waxa ay sheegtay in ay tababareen 600 Askari oo ka mid ah Booliska Jubbaland sanadkii 2016-kii,waxaana ay intaas ku dartay in ay qayb ka yihiin xaqiijinta amniga degaannada Jubaland.

Mustafa Solomon Kambeh,oo ah Taliyaha Ciidanka Sierra Leone  ee soo gaaray Kismaayo ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Soomaaliya isaga oo sheegay in uu rajeynayo in howshooda ay u gutaan si waafaqsan sharciga ay ku howgasho Amisom.

Ciidamada  Sierra Leone ayaa horay isaga baxay Soomaaliya kaddib markii uu dalkooda ka dillaacay Cudurka Ebola hase ahaatee mar dambe lagu guuleystay in Cudurkaas laga cirib tiro waddamo ay ka mid tahay  Sierra Leone oo  dhaca Galbeedka Afrika.