Somali News

SAWIRRO: Ciidamada Birmadka Maamulka Puntland oo dhoola tus Ciidan soo bandhigay.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdu sanadka hadda dhammaaday.

Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro, Madaxweynaha ayaana dhammaadkii kulanka kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

      

Related posts

Xasaasi: Galmudug Maxay Ka Tiri Weerarkii Hotel Ambasador Shalay Lagu Qaadey??

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Dhalinyaro Tahriib ah oo ku Rafaadsan badda udhaxeysa Liibiya iyo Dalka Talyaaniga

admin

Daawo: Waxbadan ka ogow Kulan Xasaasi ah oo Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku dhexmaray C/wali Gaas iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaliya

Tifaftiraha K24