Somali News

SAWIRRO: Boqortooyada Sacuudiga oo shaacisey xulufo cusub oo ay Somaliya kamid tahay.

Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay dhismaha gole ka kooban sideed waddan oo Carab iyo Afrikaan ah oo xaduud baddeed la wadaaga Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Jordan, Ereteriya, Yemen, Suudaan, Soomaaliya, iyo Jabuuti magaalada Riyad wuxuuna ugu hambalyeeyay aasaaska golaha iyo saxiixa Axdiga Golaha.

Intii uu socday kulanka, wasiirradu waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya waddamada xuduudda la leh Badda Cas si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida gobolka sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga.

Related posts

Dhagayso Maamulka Gedo oo shaaciyay in shir aan ahayn midka midnimo usan gobolka ka socon aysana war u hayn.

admin

Taliyaaniga oo tahribayaal aad u fara badan badbaadiyey (Tolow Somali ma ku jirta mise??).

admin

VIDEO: Axmad Madoobe oo Hal codsi ka dalbaday Wafdiga Golaha Aqalka Sare( Muxuu yahay?)

admin