Somali News

SAWIRRO: Banaanbax kasocda Garoowe & Dad careysan oo hortuban Saldhiga Booliska.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya banaanbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladaas, kaas oo ay dhigayaan dad ka careysan dil xalay ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo ay ciidamada Ammaanku u geysten sida ay wararku sheegayaan nin rayid.

Warbaahinta ka howlgala Maamulka puntland ayaa sheegaya in dadkaan ay ka cabanayaan talaabadii ay ciidamada Amnigu xalay ku dileen mid kamid ah dadka magaalada Garoowe.

Waxayna sheegeen in ay doonayaan in cadaaladda la horkeeno ciidamadii ka dambeeyey dilkaas, waxayna dalbanayaan in aan la aasi doonin ninkii la dilay xalay oo wali ku jira qolka meydka ee magaalada Garoowe.

Related posts

TOP NEWS: Uganda oo Midowga Afrika u qeylo dhaamineysa ka dib markii uu dib u dhac ku yimid Mushaaradkii ay qaadan Jireen Ciidmada Uganda ee Soomaaliya Jooga

admin

Shir muhiim u ah Somalia oo lagu qabtay Nairobi.

admin

TOP NEWS: Daawo Sawiro: Madaxweynaha Galmudug oo Maanta galkacyo kula kulmay Bulshada qeybaheeda kal Duwan sharaxaadna ka bixiyay Heshiiskii Jigjiga

admin