Somali News

Sawirro:- Baabuur ay la tageen Daadad ka dhashay Roobab dabeylo wata

Masuuliyiinta Puntland iyo dadweyne iskaashanaya ayaa ku guuleystay iney soo bad-baadiyaan dadkii saarnaa Sadex Baabuur oo ay la tageen Daadad ka dhashay Roob ka da’ay  magaaladda Boosaso.

Dhinaca kale waxaa la hakiyay isku socodka gaadiidka ee Boosaso & Gobolada kale ee Puntland, khatar laga qabo roobabka da’aya awgood.

Dhanka kale Isgaarsiinta ayaa hawada ka baxday Deegaano katirsan Nugaal iyo Mudug oo xiga dhanka Xeebaha Roobab Mahiigan ah ayaa ka da’aya, waxaana markii ugu war dambeysay Dabeyshu ay saqafka ama Jiingada kore ka qaaday guryaha qaarkood, waana deegaanada Eyl, Garacad, Dhinowda, Garabxaar, Dhanaane, siday xaqiijiyeen Boolisku.

Sidoo kale In ka badan 10 Doonyood ayay Baddu qaaday 48 saac ee lasoo dhaafay, Ceelaayo Badda ayaa fatahday.

Related posts

XOG: RW CC oo kulamo qarsoodi ah bilaabay isagoo shaki xoogan ku abuuray Xasan sh,

Tifaftiraha K24

Top News: Dr Abdullahi Hashi Ali Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Caafimaadka Waa Nin Ceenkee Ah??

admin

Dhagayso oo daawo C/rashiid Janaan oo faafaahin ka bixiyay waxa sababay dagaalki Balad Xaawo

admin