Sawirro: Al-shabaab oo sheegtay in Muqdisho ay ku dileen mid kamid ah shaqaallaha Xafiiska Ra’isul wasaare kheyre

0

Dableey hubeysan ayaa xalay xaafadda taleex ee dagmada hodan waxa ay ku dishay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Aweys Cumar Cabdi .

Mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Aweys Cumar Cabdi  waxaa dusha u ritay oo sheegtay Alshabaab waxaana ay sheegeen in uu kamid ahaa shaqaallaha xafiiska Ra’isul wasaare xasan cali kheyre.

Dableeyda dilka geesatay ayaa goobta ka baxsatay waxaana markiiba soo gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaan lagu baadi goobaayo kooxda baxsatay goobta dilka uu ka dhacay ka sameeyay.

Xafiiska Ra’isul wasaaraha weli wax war ah kama soo saarin wiilkaan dhalinyarada ah ee lagu dilay muqdisho ee shabaabku sheegteen in uu kamid ahaa shaqaallaha gaarka ah ee xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Halkaan Hoose ka daawo sawirrada Marxuumka la dilay