Animation

SAWIRO:Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Boosaaso oo la dhaariyay iyo Doorashadda oo bari dhacaysa

no responses
Tuesday September 29, 2015 - 6:31 under Breaking News by admin
mqdefault

Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Boosaaso ayaa maanta oo Salaasa ah la dhaariyay,ka dib Munaasabad ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Munaasabada lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Khilaafaadka iyo Ansixinta Golaha deegaanka degmada Boosaaso.

Wasiirka Wasaaradda amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali ‘’Qarjab’’ oo ka hadlay Munaasabada,ayaa sheegay in si Cadaalad ah loso xulay Xildhibaanada cusub,wuxuuna xusay in Guddiga khilaafaadka iyo Ansixinta Golaha deegaanka Boosaaso ay si habsami leh u guteen Wajibaadka Qaran ee saarnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ‘’Dhedo’’ oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada ayaa Xildhibaanada ku booriyay inay illaaliyaan Dastuurka iyo Xasaanada ay qaadeen.

Intii Munaasabadu ay socotay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Boosaaso ay cod u qaadeen qaabka ay doorashadu u dhacayso,waxaana Xildhibaanadu ay cod aqlabiyad leh ku Ansixiyeen in doorashadu ay u dhacdo hab gacan taag ah.

Maalinta bari oo Arbaca ah ayay dhacaysaa Doorashadda duqa degmada Boosaaso iyo ku xigeenkiisa,waxaana magaalada Boosaaso ka socda Ol’olihii ugu dambeeyay ee loogu diyaargaroobayo doorashadda.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa maalinta bari ah yeelanaysa Guddoomiyaha 16-aad  iyo ku xigeenkiisa.

Hoos Ka Daawo Sawiro Badan;-

IMG_4769IMG_4774IMG_4779IMG_4784IMG_4787IMG_4791IMG_4799IMG_4801IMG_4809IMG_4817IMG_4824IMG_4827IMG_4834IMG_4835IMG_4837IMG_4844IMG_4848
IMG_4855IMG_4861IMG_4865IMG_4880IMG_4890




IMG_2950
IMG_2951IMG_2952IMG_2953
IMG_2955


IMG_2958
IMG_2959IMG_2961IMG_2965IMG_2966
IMG_2970
IMG_2971
IMG_2973

IMG_2975


IMG_2978



IMG_2982



IMG_2986

IMG_2988


IMG_2991
IMG_2992IMG_2993IMG_2994
IMG_2996
IMG_2997