SAWIRO:Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo lagu aasay Magaalada Boosaaso

0

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Boosaaso lagu aasay suldaan Bashiir Muuse koonte oo shalay geeeriyooday kadib markii uu nin hubeysani ku dhex toogtay gudaha masjid ku yaala xaafadda laanta Hawada ee magaalada Boosaaso.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland ayaa ka qeybgalay aaska marxuumka waxaana kamid ah wasiirka wasaarada gaadiidka Badda iyo Dekedaha Puntland Maxamed Cabdi CismaanManjiino ,isimo iyo culaamu’diin.

Marxuumka ayaa lagu tukaday salaada janaasada iyadoona intaas kadib madaxdii ka qeybgashay ay alle uga baryeen in uu janadii fardowsa ka waraabiyo marxuum suldaan Bashiir Muuse Koonte.

Eebe ha u raxmadee Suldaan Bashiir Muuse Koonte ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaaray madax kadib markii nin hubeysan uu ku dhex toogtay masjidka Mubaarak ee Magaalada Boosaaso xili lagu jiray khudbadda salaada jimce.