SAWIRO:Maamulka Gobolka Banaadir Oo Xalay Kormeer Ku Tegay Qeybo Ka Mid Ah.

0

Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) iyo Guddoomiye ku xigeenka  arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Marwo Basma Caamir Axmed (jaktti) ayaa xalay xilli danbe kormeery  aargada degmada Shangaani, gaar ahaan Waddada Abwaan Timacadde ee dhawaan dib loo dhisay.

Kormeerkan oo qayb ay ka ahaayeen Agassimaha arrimaha Bulshada Maxamed Axmed Cantoobo iyo maamulka Degmada Shangaani ayaa loogu kuur galayey qaabka ay u socoto  iftiiminta iyo bilic soo celinta lagu samaynayo aargada Degmada Shangaani, shirkadda Aragsan ayaa si isxilqaannimo leh kagala qeyb qaadatay maamulka Gobolka Banaaadir.

Shalay ayay aheyd markii guddoomiyaha arrimaha bulshada gobolka Banaadir Basmo Caamir ay kormeer ku tagtay Kawaan Bari isla markaana ay qiimayn ku soosameysay xaaladda Kawaanaka iyo hanaanka uu ugu diyaar garoobay gowraca xoolaha.