SAWIRO:Gudiga Sare ee Beesha Habargidir ee dhawaan la doortay oo Cadaado lagu soo dhaweeyay.

0

Golaha Sare ee beesha Habargidir uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudiga beesha ee dhawaan la doortay ayaa gaaray Magaalada Cadaado.

Gudoomiyaha Beesha Habargidir Prof Abdulkadir Mohamed Shirwac ayaa wafdiga hogaaminayay waxana soo dhaweentiisa ka qeyb qaatay qeebaha kala duwan ee bulshada Cadaado.

Prof Shirwac ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato bulshada Cadaado isagoo kala hadlay xaalada Galmudug iyo mida Beesha.

Warar lagu kalsoonaan karo  ayaa sheegaya in Gudoomiyaha uu ku wajahan yahay dhanka Caasimada Dhuusomareeb kulamada kadib.