SAWIRO: Xukuumada Soomaaliya oo markale hub fara badan kala soowareegtay.

0

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale la wareegtay hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo maanta gaaray degmadaasi ayaa si wadajir ah u la wareegay hub fara fara badan, gawaari iyo maleeshiyaadkii isticmaalayay.

Ciidamadan ayaa la sheegay in la Qarameyn doono, islamarkaana lagu biirin doono kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada: