Somali News

SAWIRO: Xarunta Degmada Howl-Wadaag oo si qurux badan loo dhisay xarigana laga jaray.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u dhis balaaran ku sameeyay Xarunta Degmada Howl-wadaag oo bur bur xoogan uu kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo Al Shabaab ku qaadeen 2 September ee sanadkii  2018-kii.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta Degmada Howl-Wadaag oo dib u dhis Casri ah lagu sameeyay.

Xarunta degmada ayaa bur bur xoogan uu kasoo gaaray qaraxa, waxaana dib u dhis qurux badan ku sameeyay maamulka gobolka uu hogaaminayay Ilaah ha u naxariistee Duqii hore ee Muqdisho Eng.  Yariisow oo dhintay iyada oon dhismaha xarunta la dhameyn.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib u dhis ku sameeyay qaar kamid ah xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir oo Al Shabaab qaraxyo ku bur buriyeen, waxaana horey xariga looga jaray xarumo sidan oo kale dib u dhis loogu sameeyay.

      

Related posts

Sawirro: Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Dalxiis u tagay Deegaanka Goobweyn ee Duleedka Kismaayo

admin

Daawo: Galmudug oo maanta ku dhaqaaqday arin ay aad usoo dhaweeyeen maamulka puntland xili lagu….

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Diyaaradihii imaan jiray Magaalada Muqdisho oo la hakiyay Laga bilaabo taariikhda marka ay tahay…..

Tifaftiraha K24