Animation

SAWIRO: Xaalad Deg deg ah oo Faransiiska lagu soo rogay & Tirada Dhimashada oo korortay

no responses
Saturday November 14, 2015 - 8:24 under Breaking News by admin
mqdefault

Dowlada Faransiiska ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg oo galay dalka Faransiiska, waxaana la xilay dhamaan xuduudaha dalka faransiiska kadib markii 120 ruux lagu dilay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Weeraro ku bilowday qaraxyo oo ay xigeen rasaas lagu riday dadweyne ku sugnaa tiyaatar kuyaala bartamaha magaalada Paris ayaa sababay dhimashada inka badan 100 ruux oo ku sugnaa gudaha Tiyaatarka.

Inka badan 80 ruux ayaa la aaminsan yahay iney ku dhinteen diyaatarka Bataclan oo ku yaala bartamaha magaalada Paris ee caasimada Faransiiska.

Kooxaha hubeysan ee weerarka ka geystay Faransiiska afduub u geystay dad badan oo ku sugnaa Tiyaatarka, ka hor inta ciidamada booliska Faransiiska aysan soo idleyn howgalka.

Dadka kale ayaa ku dhintay weerar ka dhacay meel aan ka fogeyn garoonka kubbada cagta qaranka ee Faranse halkaaasi oo uu ku sugnaa madaxweyne faransiiska.

Garoonka Stade De France ayaa waxaa xiligaasi ka socotay ciyaar uu daawanayay madaxweynaha, balse kooxaha hubeysay ayaa weerarka ka geystay maqaayad aan ka fogeyn garoonka, waxaana la sheegayaa in la toogtay dadkii weerarka fuliyay.

Inka badan 1500 oo ciidamada militariga ah ayaa loo daabulay magaalada dhinacyadeeda, waxaana madaxweynaha Faransiiska uu xaalad deg deg kusoo rogay dalka oo idil, isagoo amray in lasoo qabtaa dadkii falka ka dambeeyay.

Madaxweynaha Mareykanka, ra’iisul wasaaraha UK, afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa dhamaantood si isku mid ah u cambaaareeyay weerarka ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

123

4