Somali News

Sawiro: Wasiirka Amniga Jubaland iyo Sarkaal ciidan oo Maxkamad la horgeeyay

Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan )  iyo Buulle Aadan Maxamed, ayaa la horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana loo heystaa eedo la xiriira dad rayid ah oo lagu laayay Degmada Doolow.

Faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaabka ay u dhacday maxkamad soo taagitaanka Cabdirashiid Janan.

1 September ayaa Garoonka Aadan Cadde laga qabtay Cabdirashiid Janan xilli uu kusii jeeday Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xariga ay Dowladda Soomaaliya u geystay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) ayaa waxaa horay uga dhashay banaanbaxyo ay dhigayeen Shacab kasoo horjeeda xarigiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu Cabdirashiid Janan yahay dambiile isla markaasna cadaaladda la marsiin doono.

Hey’adda Amnesty International ayaa horey u sheegtay inay soo dhaweeneyso xariga Cabdirashiid Janan, waxayna ka codsaatay Dowladda in cadaaladda la hor geeyo.

 

Related posts

Daawo: Shirkadda Snapchat oo Soo Bandhigtay ookiyaale Cajiib ah oo Kaamiro ay ku Xirantahay

Tifaftiraha K24

Kulamo is Marin waaya oo Dhexmarey Madaxda Maamulka Galmudug.

Ahmed sudani

Gudoomiyihii gobolka Banaadir Ing. Yariisow oo goor dhow geeriyooday.

admin