Animation

SAWIRO: Wariye Abdisamad Abdulkadir Farah oo tababar wariye uga qeybgalaya Netherlands.

no responses
Saturday June 20, 2015 - 10:43 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Waxan ka mid ahaa koox saxafiyin ah oo ka qeybgaleysay tababar ku saabsan Online Journalism ama warbaahinta internetka sida websiteyada Twitter iwm, kaasoo ka soconaya xarunta tababarada warbaahinta RNTC ee ku taala magaalada Hilversum ee dalka Netherland.

Tababarkaan waxaa soo qabanqaabiyay oo casharo ka bixinayay qubaro saxaafadeed kuwaasoo ka tirsan isla xarunta RNTC. Madaxa xarunta tababarada saxaafadda ee RNTC Turan Ali oo isagu kamid ah xeeldheerayaasha saxaafadeed ee casharada ka bixinayay ayaa ku dheeraaday dawrka looga baahan yahay in ay gutaan saxafiyiinta isugu timid tababarka, isagoona sheegay in tababarkani yahay fursad weyn oo ay heleen saxafiyiin badan oo ka kala timid caalamka.

Tababrkan waxaa ka qeybgalay saxaafiyiin ka socotay dalalka Britain,Russia,Netherland,Kenya Somalia,Ghana,India,Cuba,Indonisia iyo waddamo kale oo caalamka ku yaala. Xarunta waxa ay ku taalaa goob nabdoon oo aad u qurux badan gaar ahaan magaalo lagu magacaabo Hilversum oo qiyaastii ilaa saacad u jirta magaalada caasimadda u ah dalkaasi ee Amsterdam.

Holland waa dal aad u qurux badan waxaana uu qeyb ka yahay dalalka ku bahoobay midawga Yurub waxa waddanka laga isticmaalaa lacagta loo yaqaano Euro oo ay adeegsadaan waddamada ku jira EU, waa dal meel kasta ay fadhiyaan biyo leh dhismooyin aad u qurxoon dhulkiisu yahay mid cagaaran.

Netherland waa ammaan meel kasta oo aad ka joogto ma jirto wax qatar ah ku ah ammaanka qof kastana waxaa uu soconayaa xilligii uu doono. Dalka Holland waxaa ka jira warbaahin kala duwan sida Telefishino iyo Raadiyaal kuwaasoo dhamaan baahiya akhbaaraadka kala duwan ee caalamka. Saxafiyiinta ka hawlgala Holland waxay isugu jiraan rag iyo dumar intaba iyagoona qabta shaqooyinka kala duwan ee warbaahinta , dumarka saxafiyiinta ah ee ka hawlgala qeybaha warbaahinta ayaa iyagu dawr muuqda ku leh kaalinta ay kaga jiraan Holland .

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Mar aan booqday xarunta raadiyaha Netherland ee RNW waxan ku booqday wariyaal qabanaya shaqooyinka kala duwan ee raadiyaha sidaa baahinta wararka siyaasadda, cayaaraha arrimaha bulshada warbaahinta la daabaco sida wargeysyada buugaagta iwm. waxay ii sheegeen in aysan jirin cid ay si gooni ah uga baqaan balse uun ay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda oo ay ku shaqeeyaan si dhexdhexaad ah ah iyo warar sugan.

Wariyaashu waxay kaloo ii sheegeen inay tagaan halki ay doonaan oo ka tirsan dalkooda Netherland iyagoo aan wax cabsi ah ka qabin ammaankooda, waxan soo xusuustay cabsida haysata saxafiyinteena marki ay ku shaqeynayaan dalkooda, waxan kaloo soo xusuustaa in cabsi darteed aan fariisan karin maqaayad isla markaana aan cabsi badan ka qabay marki aan socdo magaalada. Waxa aad ii soo jiitay oo aan ku arkay Holland in qof kasta oo ka mid ah bulshada oo dhankiisa ka ilaalinayo nadaafadda deegaanka , amaanka iyo horumarka taasoo aad ii soo jiidatay.

Wariye:Abdisamad Abdulkadir Farah
Hilversum, Netherlands

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA LA SOCDA WARBIXINTAN :

Abdisamad Abdisamad1 Abdisamad2 Abdisamad3

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Leave a Reply

Your email address will not be published.