Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

SAWIRO: Warfaxad leh Maleeshiyaadkii isku Horfadhiyey Magaalada galkacyo oo laka laqaaday..

Wararka aan ka helayno magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobalka mudug, ayaa sheegaya in Maamulka iyo Waxgaradka labada Dhinac ay ku guuleysteen in la kala qaado Maleeshiyaadkii isku hor fadhiyay suuqa magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena dib loo furo goobihii ganacsiga ee suuqaasi oo muddo 5 berri ah xirnaa.

Wada-hadalo saacadihii ugu dambeeyay ay lahaayeen Maamulka, Waxgaradka iyo Ganacsatada puntland iyo Galmudug, ayaa la sheegay in looga hadlay dhaqan gelinta Heshiiskii Shalay ay gaareen Waxgaradka iyo Maamulka labada dhinac,iyadoona ay dhinacyadu isla qaateen in la furo goobaha ganacsiga, lana kala qaado Maleeshiyaadkii isku fadhiyay suuqa iyo in la guro Ciidihii lagu xiray wadooyinka soo gala suuqa.

Maamulka Degmada iyo Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, ayaa intaasi ka dib guray ciidihii dhufeysyada ahaa ee ay kala sameysteen labada dhinac.

Gudoomiyeyaasha Gobolka mudug ee Galmudug iyo Puntland Cabdirashiid Xasshi cartan iyo Xasan maxamed Khaliif ayaa sheegay in uu furan yahay suuqa islamarkana la kala qaaday ciidamadii isku horfdhiyay suuqa Galkacyo iyagoona ugu dambeynti ka codsay shacabka reer Gaalkacyo in ay ka shaqeyaan nabadda iyo xasiloonida.

Kulan ay maalinimadii Shalay aheyd ay yeesheen Maamulka iyo Waxgaradka labada dhinac ayaa laga soo saaray qodobo gaaraya afar, kuwaasi oo loogu gogal xaarayay Nabada Gaalkacyo iyo si caadi ah uu ku soo laabto isdhexgalka labada dhinac.

Maalinimadii Khamiista ee aynu soo dhaafnay ayaa waxaa Suuqa Gaalkacyo ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeyay Maleeshiyo kal taabacsan ganacsatada Labada dhinac, iyadoona iska hor imaadyadaa ay ku dhinteen 4 Ruux, ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

SAWIRO:

P

Related posts

Dhagayso:- Beelo Lagu Heshiyeey Gobalka Hiraan

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Toogasho ka dhacday Bartamaha Magaalada Nairobi iyo kala Carar…

Tifaftiraha K24

Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Somaliya Oo Ka Warbixiyay Booqashadiisii Gobolka Sanaag.

gurey