SAWIRO: Taliyaha Booliska Oo Kormeer Ku Tegay Xarunta CID-Da Ballan Qaadna Sameeyay.

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Maanta kormeer ku tegay Xarunta hay’adda dembi Baarista CID-da Qeybteda Faraha lagu qaado

Taliyaha ayaa xog Wareystey Dadweynihii u Baahnaa in loo shaqeeyo si uu ugu Kuur Gallo Xaaladaha Goobta Faraha.

Kormeerka ka dib Taliyaha ayaa amar ku Bixiyey in la Joojiyo shaqada Faraha ilaa Muddo Sedax Casho ah si loo helo deegaan ku haboon in Dadweynaha loogu shaqeeyo.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa balan qaaday inuu Mudada Gaaban keenayo Qalabka Casriga,isla markaana uu dhisi doono Hoolal waaweyn oo fadhi leh si loo yareeyo saxmada iyo Ciriiriga ka jira Xarunta hay’adda dembi Baarista CID-da Qeybteda Faraha lagu qaado.