Somali News

SAWIRO: Shirkada Barakaat oo Xayiraadii laga qaaday.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu dabaal dagayay xariyaraadii ay dhawaan waaxda maaliyadda ee dalka maraykanka ka qaaday shirkadda Al-barakaat ayaa lagu qabtay hoolka xafladaha ee hotel Jazeera ee Magaalada muqdisho.

Xafladan oo ay soo xaadireen masuuliyiin badan oo iskugu jara kuwa dowladda, maamulka shirkaddaha, Ganacasato iyo odayaasha dhaqanka, culimaaudiin iyo qeybaha kale ee Bulshadda ayaa lagu amaanay talaabada uu maraykanka xayiraada uga rogay shirkada Barakaat oo dowlada maraykanka xayiraad saaratay sanadkii 2001-dii kadib markii lagu eedeeyay in taageero siiso ururadda argaixisada.

Jawaahir Baarqab, gudoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir oo kamida masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeysay sida ay dadka soomaaliyeed shucuurtooda u muujiyeen markii xayiraada la saaray shirkada.

Sheikh Ali Wajiis, oo Kamida culimadda Soomaaliyeed ayaa u rajeyay maamulka shirkadda Al-Barakaat in ay horumar la taaban karo markale gaarsiiyaan umadda soomaaliyeed

Gudoomiyaha Shirkadda Barakaat Sheikh Axmed Ali Jamcaale Ka sheekeeyay Garab istaagii ay u sameeyeen dadka soomaaliyeed kadib goankii ay dowladda maraykanku xayiraada ugu rogtay shirkaddaha Barakaat iyo waxii ka dhashay

Gudoomiyaha ururka Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in asagu uu goobjoog ka ahaa dhamnaan dhacdooyinkii dhacay xiligii shirkadda xayiraad la saaray islamarkaan uu xiligan aad ugu faraxsanyahay in ay dib u helaan xoriyadoodi ganacsi.

 

 

 

 

 

Related posts

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo ay ka wada Hadleen Raisul wasaare ku xigeenka Dalka iyo Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomalia????

Tifaftiraha K24

Ciidamada Gaarka ah oo howlgalo ka sameyay Muqdisho

admin

Dhagayso:- Warbixin Xiiso iyo Xasaasi ah Caruurta Magaalada Jowhar Maxay ku Haminayaan Mustaqbalka ?

Tifaftiraha K24