Somali News

SAWIRO: Raysalwasaare Kheyre oo kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka Caasimada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si  guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee  Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhan yahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

  

Related posts

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo la af duubtay ayaa ku dagtay garoon ku yaala Qubrus

admin

DAAWO: Musharax Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlay xaalka doorashada iyo dalka Soomaaliya

admin

SAWIRRO: Howlgal daba dheeraaday oo weli ka socda agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama