Somali News

SAWIRO: Qabanqaabada Soo Dhaweeynta Madaxweynaha KGS Oo Ka Socota Marka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Safarka Madaxweyne Lafta-gareen ee Marka ayaa waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,xubno kamid ah labada Golle ee Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Qabanqaabada soo dhaweeynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa haatan waxaa ay ka socotaa Xarunta maamulka Degmada Marka,isla markaana waxaa halkaas ku sugan Mas’uuliyiin kala duwan,Saraakiil Ciidan iyo qeybaha Bulshada.

Meelaha qaar ayaa saakay waxaa lagu xardhay Sawiradda Madaxweyne Lafta-gareen oo saacadaha soo socda tegi doona Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ammaanka guud ee Marka ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Degmadaas.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee uu Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku tegayo Degmada Marka tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha.

   

Related posts

War Hada: Xasan Shiikh oo War Cusub ka soo saaray Doorashooyinka Labada Aqal ee Xubnaha Soomaliland ka imaanaya iyo sida ay u dhacayan

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Xassan Sheekh oo hanjabaad culus u soo jeediyey maraakiibta shisheeye ee badeena Sunta ku shuba.

admin

Wasiirka Gaashandhiga oo caawa u hoyanaya Magaalada Cabudwaaq.

admin