Animation

Sawiro: Puntland Maxay Ka Tiri Heshiiska Galmudug Iyo Ehlu Sunna?

no responses
Thursday December 7, 2017 - 10:15 under Somali News by gurey
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha dawladda Puntland oo ku hadlaya magaca Madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna yahay mid ka qayb qaadanaya geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, dib usoo celinta sharaftii, karaamadii iyo dawladdanimadii Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskani ay ka muuqato isu tanaasul iyo garasho xeeldheer, waxaana uu ku bogaadiyey Madaxweynaha maamulka Galmudug sida waaya aragnimadu ku jirto ee uu uga shaqeeyey midawga shacabka reer Galmudug.

Hadalka Madaxweynaha Puntland, ayaa kuso aadaya xilli maalintii shalay ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen heshiis Galmudug iyo Ehlu Sunna.

Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso aadaya xilli wada shaqaynta dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedada uu si habsami leh u socdo.

Facebook Comments