Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

SAWIRO:-Maxkamada C.Q.S Oo ufadhiisatay Dacwadda rag loo haysto Qaraxii Zoobe

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay dhageystay dacwad loo heysto Rag ku eedeysan in ay ka dambeeyeen qaraxii lagu dhamaaday ee 14-kii October 2017 ka dhacay  Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Raggan maanta dacwada loo heysto la dhageystay ayaa gaaraya ilaa 5 ruux mid ka mid ah ayaa ka maqnaa Maxkamada, waxaana ay kala ahaayeen:-

1:-Xasan Aadan Isaaq Cali, Ina Xaawo Maxamed Cali 23 jir ah ku dhashay Gobolka Baay.

2:-Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah.

3:-Cabduweli Axmed Diiriye, Ina Dhubado Ibraahim Xasan 32 jir ah ku dhashay Gobolka Galgaduud.

4:-Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble, Ina Kaaho Kaariye Cawaale 43 jir ah ku dhashay Galgaduud.

5:-Cabdul Cabdi Warsame Cali, Ina Raaxo Mire Siyaad 35 jir ah ku dhashay Caabudwaaq.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad ee Xasan Aadan Isaaq Cali loo heysto in uu ka tirsanaa ururka Al-shabaab, islamarkaana madax ka ahaa qeybta fulisa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka howlgasha Muqdisho masuulna ka ahaa labadii gaari ee ku kala qarxay Isgoyska Zoobe iyo Wadada Danwadaagaha.

Dhageysiga dacwada eedeysanyaasha ayaa dib la isugu soo laaban doonaa maalinta Khamiista ah oo ku beegan 4/1/2018, sida uu sheegay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Xasan Cali Nuur Shuute.

Related posts

TOP NEWS:Maamulka Soomaaliland oo Garoonka Diyaaraddaha Hargeysa ka Mamnuucay Arin ay Siyaasiyiinta la yaabeen

admin

Dhagayso:- Ciidamadda Garoonka diyaaradaha Kismaayo oo Qarax Fashilyeey Maanta

Tifaftiraha K24

Update: Diyaaraddo dagaal oo duqeymo culus ka geestay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

admin