SAWIRO:- Madaxweynihii Hore Ee Ximan Iyo Xeeb oo Kormeeyay Isbitalka Guud Ee Cadaado

0

Madaxweynihii Hore Ee Ximan Iyo Xeeb Ayaa maantay kormeer ku tagay Isbitaalka dhexe degmada cadaado Waxaana Halkaasi kusoo dhaweeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka.

Booqashada waftiga ayaa ku salays need sidii ay ugu Kuur gali lahaayen xaalada caafimaad ee bukaanada jiifa Isbitalka Waxaana Mudane Tiiceey iyo Waftigiisa Ay mid mid u booqday qeybaha isbitaalku ka kooban yahay.

Agaasimaha IsbitaalkaGuud ee Cadaado Dr Maxamed Cumar Yusuf ayaa ugu horeyntii xaalada bukaanada isbitaalka jiifa iyo marxaladaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha isbitaalka Uga Warbixiyay Madaxweynihii Hore Ee Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdulaahi (Tiiceeye)

Maxamed Cabdulahi adan (Tiiceeye)  Madaxweynihii hore ee maamulkii ximan ximan iyo ayaa u mahad celiyay cidkasta oo ka qeyb qaadatay hormarka uu isbitaalku  ku talaab saday.