SAWIRO: Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray goordhaweyd Magaalo katirsan

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Marka Xaruna Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay Marka waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Sare ee Gobolka Shabeellaha,kan Degmada,Waxgaradka iyo Bushada halkaas ku dhaqan.

Ammaanka guud ee Marka ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Degmadaas.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee uu Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ku tegay Degmada Marka tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha.