Somali News

SAWIRO: Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Wakiilka QM Ee Somaliya.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale.

Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” Ayuu yiri, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixiyey kulanka ay la qaateen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobey.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland Soodhoweynta, Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wadashaqeynta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland.

      

Related posts

TOOS k24: Ciidamo Badan oo Alshabaab ah ayaa la sheegay in ay soo galeen Deeganada Galmudug iyo Ciidamad Galmudug oo..

admin

Maxaa lagu heystaa Madaxweyne Farmaajo?: Xaqiiqda Wax ka ogow

admin

Akhriso: Dowlad Goboleedyada oo war ka soo saaray Heshiiskii dhexmaray Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka

admin