SAWIRO: Kumanaan Askari Oo Katirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland Oo loosoo daabulaayo dhanka Koofurta Somaliya.

0

Maamulka Puntland ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah dowladda federalka Soomaaliya ugu wareejiyay masuuliyadda 2,500 askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay xerada General Maxamed ee magaalada Garowe.

Ciidankaan ayaa si r asmi ah uga mid noqon Doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Qaybtiisa 54aad,

waxaana tilaabadaan ay qeyb ka tahay Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Soomaaliya.

Munaasabad haatan ka socota Xarunta xeradaas ayaa hadalkaan wareejinta ciidanka waxaa ku dhaawaqay madaxweyne ku xigeenka dowlad Gobaleedka Puntland, Eng. Camey.

Ayadoo ay  goobjoog ka haayeen wasiiru dowlaha Gaashaandhiga dowladda federalka, taliyaha ciidamada difaaca Puntland, wasiirka amniga Puntland, saraakiil ka socota ciidanka milatariga Soomaaliya iyo guddiga difaaca ee barlamaanka.