Animation

SAWIRO: Jaaliyadaha Puntland iyo Galmudug ee Germany oo baaq nabadeed kasoo saaray dagaalka Galkacyo

no responses
Monday November 30, 2015 - 8:19 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Jaaliyadaha Galmudug iyo Puntland ee ku wada nool dalka Germany ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeya dad walaalo ah oo wada deggan magaaladaasi.

Hadal kasoo baxay shir ay wada qaateen hormuudka labadaasi jaaliyadood ayaa waxaa lagu sheegay inay degdeg u dalbanayaan joojinta dagaalada Galkacyo iyo barakicinta shacabka kasoo daalay dagaalada sokeeye.

“Waxaan cod dheer ku leenahay hala joojiyo dagaalka, maxaa yeelay waxaa ku dhimanaya dad wada dhashay, taasi oo noqoneysa kugu dhimay oo kaa dhimay” ayey warsaxaafadeed ay soo saareen labadan jaaliyadood ku sheegeen.

Guddoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Germany Ali Mohamed oo kadib kulankaasi la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maanta ay naawilayeen horumar iyo wadajir ka hana-qaada dalka oo dhan,balse aysan u fadhiyin inay dad walaalo ah 25 sano kadib hub isku qaataan.

“Galkacyo waxay rabtaa wada horumarin, mana rabto dhiig danbe oo lagu daadiyo, sidaasi darteed waxaa leeyahay dhanka wanaagsan wax ha laga eego” ayuu yiri Guddoomiye Ali Mohamed.

Wakiilka jaaliyadda Galmudug Mustafa Abdulle Qarni, ayaa isagana waxaa uu sheegay  in dadka Soomaaliyeed ay wada deeqdo nabad waarta, sidaasi oo kalana ay reer Galkacyo yihiin kuwa aan la kala saari karin oo is mudan.

“Galkacyo iyo dadka deggan waa kuwa leh taariikh soo jireen ah, waana dad badi is wada dhalay, sidaasi darteed, waxaan leeyahay geerida ka dhacdaa waa mid saameyn ku leh guri kasta oo Galkacyo ku yaal, maadaama ay sidaasi tahay ma mudna in dad ehel ah dhiig iska daadiyaan” ayuu yiri Mustafa Abdulle Qarni.

Baaqa jaaliyadaha Galmudug iyo Puntland ee Germany ay sida wadajir ah ugu dirayaan dhinacyada ku dagaalamaya Galkacyo, ayaa waxaa ay marqaati ka tahay sida ay dadka wada deggan halkaasi u yihiin walaalo aan dagaalami karin, sida ay kuwa dibada joogo miiska u wada fadhiyaan ayaana kuwa Galkacyo joogo looga rabaa inay nabad ugu wada noolaadaan.

Ger ger1 ger3 ger5

Facebook Comments