Somali News

SAWIRO: Injineero Turki ah oo ku dhintay qaraxii Ex-Koontarool AF gooye.

Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxii ismiimaadiinta ahaa ee saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah labo Injineer oo Turki ah iyo seddex askari oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo la socday gaari nooca aan xabada karin oo marayey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarka uu ahaa iyagu, waxaana sidoo kale meesha ka agdhow xarun canshuuraha looga qaado gaadiidka isaga kala goosha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu soo gaaray dad shacab ahaa oo isugu jiray arday jaamacadeed oo la socday gaari Bus- ah iyo kuwa kale oo qaraxa la kulmay.

Weli saraakiisha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya kama hadlin qaraxaan, waxaana goobta ku sugan ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

Tan iyo markii la bilaabay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaa waddadaan ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu qaaday Injineerada dhisaya waxaana sheegatay kooxda Al-Shabaab oo marar isku dayday inay is hortaagto dhismaha jidkaasi.

 

Related posts

WAR CUSUB: Qaramada Midoobay oo Shaacisay in la baaraayo sababta keentay iney tiro intaa la’eg oo Soomaali u badan ay ku dhammaadaan biyaha u dhexeeya Masar iyo Talyaaniga.

admin

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Deegaanka…

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Xildhibaan mahad salaad oo ka hadlay heshiiskii uu saxiixay ee itoobiya horay ula gashay dowladdii xasan shiikh

Tifaftiraha K24