Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24

SAWIRO: Ganacsiga Magaalada Boosaaso Oo Maanta Xiran Iyo Ciidamo farabadan Oo La lasoo dhoobay Wadooyinka Magaalada.

Wararka naga soo gaaraya magaalada boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa sheegay in ay maanta xiran yihiin inta badan Ganacsiga Magaalada, Gaar ahaan Xarumaha Shirkadaha Waa weyn ee Ganacsiga Boosaaso.

In badan oo kamid ah magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo gaaf wareegaya, gaar ahaan dariiqyada muhimka ah. Rugta ganacsiga ee Puntland xarunteeda waxaa taagan ciidamada amaanka oo wata gaari nooca shabaqlaha ah, waxaa wararku sheegayaan in qaar kamid ah ganacsatadu ay ku jiraan xarunta rugta ganacsiga.

Xirnaanshaha Ganacsiga Shirkadaha ee Boosaaso, ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay Ganacsiga yar yar ee Suuqa weyn ee Boosaas, Waxaana xiran Albaabada meheradaha ganacsiga waxaana horfadhiya shaqaalihii iyo mulkiilayaashii ganacsiga, markii la weydiiyo sababta ay ganacsiga u xireen ayey sheegayaan in ay tahay muranka ka taagan dekadda Bosaso darteed, iyo iyaga oo ka cabsi qaba in mudaaharaado dhacaan kuwaas oo sababi kara in ay  soo dhex galaan kuwo boob iyo dhac raadineysa.

HALKAAN KA EEGO SAWIRADA: 

Related posts

Shir looga hadlayo dhaqaalaha dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho.

admin

TOP NEWS: Qarax Miino oo lagu Aasay Suuqa Xoolaha lagu Iibiyo ee Dagmada Qoryooley iyo Qasaaro kala duwan oo soo gaaray Ciidamo ka….

admin

Dhagayso:- Fananada Hodan Cabdiraxmaan oo Muqdisho lagu soo dhaweyeey

Tifaftiraha K24