SAWIRO: Fuaad Shangole oo mudo dheer ka dib ka soomuuqday Meel fagaaraa.

0

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa sanado kadib meel fagaare ah kasoo muuqday shalay.

Shongole oo horey u ahaan jiray madaxa dacwada kooxda Al-Shabaab ayaa boqolaal dadweyne ah iyo ciidamada Al-Shabaab shalay kula ciiday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe oo kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku hayso.